Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Magacaabay Taliye-Yaasha Ciidamada Boliiska, Milatariga, Nabad-Sugida iyo Asluubta.

0
253

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Ra’isul-Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre Oo Kulanka Shir Gudoominaye

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan