Al-Shabaab Oo Weerartay Saldhiga Bariire iyo DFS Oo Guulo Ka Sheegatay.

0
270

Dagaalyahano Hubeysan Oo Katirsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa Xalay weerartay Saldhig Ciidamadda Dowladda Soomaaliya Gaar ahaan kuwa DANAB ay Ku lahaayeen Duuleedka Deegaanka Bariire oo Katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaal aad u xoog badan ayaa labada dhinac Ku dhexnaray Deegaanka iyadda oo la isku adeegsaday Hubka nuucyadisa Kala Duwan.

Dadka Deegaanka ayaa Gargaar.net u sheegay in La isku adeegsaday Hubka Cul-Culus iyo kuwa Fudfudud intaba islamarkaana ay jiraan khasaare xoogan oo soo Kala Gaaray labada dhinac.

Taliyaha Ciidamadda Lugta General Odawa Yuusuf ayaa Sheegay in Dagaalka oo ay soo qaadeen Al-Shabaab ay iyagu iska Caabiyeen.

Waxaa uu tilmaamay in iyaggu ay u diyaarsanaayeen Iska Caabinta Weerarada Nuucaani ah islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen Dagaalameyaashii soo weerartay oo ay Ka dileen in Ka Badan 20-Dagaalame.

Weli majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab iyo warar madax banaan oo xaqiijinaya Guulahan ay sheeganayaan Milatariga Soomaaliya.