Wasiir Beyle: “Dadka Soomaaliyeed Waxaa Ay U Baahan Yihiin Nabad-Waarta iyo Dib-U-Heshiisiin”.

0
323

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Qoraal Kooban oo uu soo dhigay Boggiisa Twiterka waxaa uu kaga hadlay Kulan Magaaladda Mina Ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Xubno katirsan Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Dr, Beyle Waxaa uu Qoraalkiisa uu Cinwaan Uga Dhigay “Dadka Soomaaliyeed waxaa ay u Baahan yihiin Nabad-Waarta iyo Dib-U-Heshiisiin”.

Baraha Bulshadda ay ku kulanto Sida Facebook Twiter iyo inistegramka waxaa Qabsaday Sawirka Xukeyda sida Kadiska ahi ku kulantay iyadda oo Kulankaa uu ahaa mid aan Hore Loo sii shaacin.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu sidookale Qoraalkiisa Twiterka uu ku sheegay in Tani ay tahay Fariin Ka Socoto Xajka Sanadkan.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha dib-U-Heshiisiinta ayuu sheegay in Ay muhiim tahay in Waqtiganba loo wada istaago sidii Istiraatiijiyad Run ah Looqaado sidii loo heli lahaa Dib-U-Heshiisiin Macno Leh.

Dadka Fara Badan ayaa Baraha Bulshadda isladhexqaaday Sawirka Madxadan ayaa Siyaabo Kala Duwan uga hadlay iyagga oo Qofba Fikirkiisa Uu ku Sifeeyay.

Qaarkood dadkan Waxaa ay Muujiyeen in Talaabadan ay tahay Yadadiilo Wanaagsan iyagga oo Dhiiragaliyey.