Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Wasiiro Ka Tirsan XFS Oo Kulmay

0
280

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Xildiid ayaa Lagu soo waramayaa In Dalka Sacuudiga uu kula kulmay Xubno Katirsan Golaha Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka Oo Ka Dhacay Magaaladda Mina Ee Dalka Sacuudiga ayaa Waxaa uu Dhexmaray Madaxweynaha Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madax Banaanida ee Soomaaliland iyo Wasiiro Katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan uu la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ahaa xubno wasiirro ah ayaa kala ahaa, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud

Kulanka masuuliyiintan oo ahaa mid kedis ah oo aan horay loo sii qorshaynin ayaa waxa ay tilmaameen in ay aad ugu faraxsan yihiin kulankooda

Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubnaha wasiirrada iyo qaar kale ayaa magaalada Mina u jooga gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan waxaana uu ahaa kulankoodii ugu horeeyay ee ay kulmaan.