Wararkii Ugu Dambeeyey Ganacsade Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Magaaladda Beydhabo.

0
261

Wararka aynu ka helyno Magaaladda Beydhabo ee Xarubta Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Dabley hubeysan ay Toogteen Sedex Ruux oo uu kamid ahaa Ganacsade siweyn looha yaqaanay Gobolka.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka KGS ayaa Gargaar.net u sheegay in Sedexdan Ruux ay Tuhunsan yihiin in loo dilo Muran dhinaca Dhulka ah oo Maalmihii ugu Dambeeyey kataagnaa Beydhabo.

Dadka la dilay waxaa kamida Siyaasiga Cali Aadan Marguus oo ah Nin Siweyn looga yaqaanay Gobolka Kana mid ahaa Ganacsata Beeraleyda ah waxaa sidookale uu ahaa Oday Dhaqameed.

Mas’uuliyiinta aan la hadalnay ayaa Sheegay in ay wadaan Baaritaano la xeriira sida ay wax u dhaceen islamarkaana aysan ka hordhaceen Baaritaanadda Socda.

Ciidamadda Ammaanka Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa Goobta soo gaaray Dilka Kadib sida Gargaar.net ay u xaqiijiyeen ilo Dadka Deegaanka ah iyagga oo goobta Ka Bilaabay Baaritaano tiro dad ahna u soo qabqabtay Dhacdadan Wallow Lakala saarayo oo aysan cadeen in dadka si toos ah ay ugu lug leeyihiin iyo inkale.