Sawiro: Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Kooxdii Ugu Horeysay Oo Ay Cafiska U Fidiyeen.

0
309

Xarakadda Al-Shabaab ayaa Soo Bandhigay Sawiradda Kooxdii ugu Horeysay Oo ay Cafiska U Fidiyeen ee kamid ahaa Ergadii soo dooratay Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanadda Maamul-Goboleedyadda Dalka.

Ergedan Ayaa ah kuwii Ugu Horeeye ee Ka Faa’iideystay Cafiska Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ka kala tageen Deegaanada Maamuladda Hirshabelle iyo Galmudug iyagga oo Gaaray Xarun Al-Shabaab ay ku ku yihiin Deegaanka Buq-aqable Oo Katirsan Gobolka Hiiraan.

In Kabadan 80-Oday Dhaqameed ayaa Gaaray Deegaanka oo Wada-Hadal ay la galeen Saraakiisha Al-Shabaab kadib Towbadda Loo Qabtay sida lagu sheegay Qoraalo Shabaabku ay ku daabaceen Warbaahinada Afkooda ku hadla.

Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al-Shabaab Ee Ka  qeyb galay kulamadii towbada loogu qabnayay Odayaasha waxaana kamid ahaa Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade oo ah waaliga Sh/dhexe, Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan Waaliga Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan Waaliga Mudug.

Al Shabaab waxay sheegtay in ay cafis u fidisay Odayaasha towbad keenay ee lagusoo bandhigay degmada Buq Aqable, maamulka Hirshabelle waxaa ka yimid 53 Oday halka maamulka Galmudug ay ka yimideen 33 Oday dhaqameed oo dhammaantood kamid ahaa kuwii soo xulay Xildhibaannada baarlamaanka DF-ka ee dhanka labadan maamul goboleed lagasoo doortay.

Dhinaca kale waxaa isi taraya Boqolaalka Ruux ee Kamida Ergeda Soo Dooratay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa Maamul-Goboleedyadda kuwaasi oo Doonaya sidii ay uga Faa’ideysan Lahaayeen Cafiska Al-Shabaab ee Mudada 45-ta Maalmood ah.

Waxaa taasi Barbar socda Hanjabaadaha Ergedan kaga imaanaya Maamul-Goboleedyadda Qaar iyo Xubnaha DFS ee ku aadan In hadii ay ka qeybgalaan Wada-hadalada Al-Shabaab aysan kusoo noqonkarin Deegaanadooda iyadda oo taasina ay ka dhigeyso Dharigii labada Dhinac ka Gubtay.