Ciidanka Koofur-Galbeed Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hor Leh.

0
257

Taliyaha ciidanka Booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan ayaa ka warbixiyey howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada maamulkaasi ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Howlgaladan oo ahaa kuwa lagu Baacsanayo Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa Ciidamadu ay ka Fuliyeen Tuulooyinka U Dhexeeya Deegaanada Awdiinle iyo Goof-Gaduud Buureey.

Taliye Mahad oo Boqolaal Shacab ah kula hadlaye Goob Fagaare ah ayaa Dadka Deegaanka u sheegay in Ciidamadda Koofur-Galbeed ay u Dulqaadan waayeen dhibta lagu hayo shacabkooda ayna ka dulqaadeen.

Isaga oo sii hadlaye ayuu sheegay in Boliiska Koofur-Galbeed ay Kawar heleen in Al-Shabaab ay Zakawaadku ka qaadayeen Dadka Tuulooyinka ayna Taasi ku dhalisay in ay u soo Gurmadaan.

Waxaa uu ugu Baaqay Shacabka Tuulooyinkaa in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Koofur-Galbeed ayna kala Shaqeeyaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyagga oo Laamaha Ammaanka la wadaagaya Fariimaha Iyo Xogaha Ammaanka la xeriira.

Taliye Mahad ayaa Gaba-Gabadii u sheegay Shacabka Koofur-Galbeed in looga Baahan yahay in ay u midoobaan Oo ay kaalintooda ka qaataan Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab.