Boosaaso: Wasiirkii Hore Ee Qorsheynta Puntiland Oo Ka Badbaaday Qarax Miino.

0
285

Barqanimadii Maanta ayaa Waxaa uu Qarax Xoogan uu ka dhacay Laamiyaraha Afar Irdoodka Looyaqaano oo kuyaala Bartamaha Magaalo Xeebeedka Boosaaso  ee Xarunta Ganacsiga Puntiland.

Qaraxan Oo ahaa Nuuca Miinada Dhulka Lagu aaso ayaa La sheegay in lala eegtay Kolonyo Uu la socday Wasiirkii Hore ee Qorsheynta Maamulka Puntiland Shire Xaaji Faarax.

Inta La xaqiijiyey Hal ruux oo ilaalo u ahaa Shire Xaaji Faarax kadib Markii uu Qaraxu haleelay Gaari Nuuca Aan Rasaasta Karin Ee Uu Watay Sida Saraakiil Latirsan Laamaha Ammaanka Boosaaso ay u sheegeen Gargaar.net.

Shire Xaaji Faarax Iyo Ole’olihiisii Doorashadda Puntiland Ee Uu Kaga Guulestay C/Wali Gaas. Po

Shire Xaaji Faarax ayaa Hore Xilal kala duwan uga soo qabtay Puntiland sida Wasiirka Qorsheynta oo uu ka ahaa Xukuumadii Cabdiwali Gaas iyo Wasiirka Maaliyadda Puntiland oo uu Mar soo noqday.

Waxaa kaloo Xusid mudan in uu Siyaasigan Soo Noqday Musharax Madaxweyne Doorashadii uu ku Guuleestay Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Ciidamadda Ammaanka Boosaaso oo Qaraxa Kadib Gaaray Goobta Qaraxu uu ka dhacay oo aan sidaa uga Gogeyn Hoteelkii Caanka ahaa ee Ramaada ee Magaaladda Boosaaso Ayaa Durba Bilaabay Baaritaano ku aadan Sida ay wax u dhaceen.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka Boosaaso oo aan la xeriirnayna waa ay ka gaabsadeen Fahfaahin intaa ka badan Balse wixii kusoo kordhaa Baaritaanada Socda iyo Hadii uu ka Hadlo Shire Xaaji Faarax wararkeena Dambe ayaad Ku Daalacan Doontaan Haduu Eebe Idmo.