Ra’isul-Wasaare Kheyre Oo Soo Gaba-Gabeynayo Socdaalkiisa Galmudug.

0
255

Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa Sabtida Maanta ah Soo gaba-gabaynaya Safarkiisii Deegaanadda Maamulka Galmudug.

Kheyre ayaa Deegaanadda Galmudug Ku Sugnaa Mudo Ka Badan Hal Bil oo uu Deegaanadaa kawaday Baadigoobka Galnudug Mid ah.

Waxaa Socdaalkiisa ku wehlinaya Xubno Katirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Xildhibaano katirsan Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana Mudadii ay joogeen Deegaanadda Galmudug ay Booqdeen Dhammaan Deegaanada Maamulkaasi Marka laga reebo Deegaanadda Kujira Gacanta Al-Shabaab iyagga oo halkaa kula kulmay Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka.

Sabtida Maanta ah ayaa lafilayaa in Ay soo gaaraan Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho iyadda oo Howsha inta dhimanna ay dhamestiri doonaan Gudiga Dib-U-Hrshiisiinta Galmudug ee uu isagu Magacaabay.

Marka Ra’isul-Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigiisa ay Muqdisho soo gaaraan Waxaa ay ka qeybgali doonaan Aaska Qaran Ee Muqdisho Loogu Sameynayo Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisoow oo U Geeriyooday Dhaawacii ka soo gaaray Qaraxii Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Wadooyinka Magaaladda Muqdisho Qaarkood ayaa Xidhan Maanta iyadda oo Lafilayo in Goordhaw Magaaladda La Keeno Meydka Gudoomiye Yariisoow oo ay Dooxa Ka soo qaadi doonaan Xubno Dowladdu ay u Xilsaartay Qabanqaabada Aaskaasi oo Ku Sugan Dalka Qadar.