Paul Pogba Oo U Ganbiyey Koxdiisa Oo Safreysa Iyo Wararkii Ugu Dambeeye Ee Katagistiisa Kooxda Manchester United

0
299

Xidiga Kooxda Manchester United ayaa Sameynaya Dadaalkiisii Ugu Dambeeyey ee Ka Tagitaanka Man’United kadib Markii uu Kooxdu Kaga Yaabsaday In uu gambiyey Kulankii Saaxiibtinimo ee Ugu Dambeeyey.

Kulanka ayey kooxdu ugu Ambabaxday Wales Iyadda oo Warar soo baxayana ay sheegayaan in uu ku jiray Liiska Ciyaartoyda la safi lahaa Kulankan Saaxiibtinimo.

26-jirkan Ayaa Ka Fakaraya Sidii uu Kaga Tagi Lahaa Old Traford.

Manchester United ayaa Caawa Wajaheyaa Kooxda AC Milan Oo ay la ciyaareyso Midkamida Kulamadda Saaxiibtinimo oo ay kuwada Ciyaarayaan Cardiff kahor inta aysan Iswajahin Cilli Ciyaareedka Cusub oo Bilaabmaya Isbuuca Soo socda.

Hal nin oo aan ka qeyb qaadan doonin ciyaarta caawa waa Pogba kaasoo dhaawac dhabarka ah uu soo gaaray horaantii isbuucaan sida uu shalay xaqiijiyay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Si kastaba, waxaa la sheegayaa in xiddiga khadka dhexe oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda safreysa inuu ka yaabiyay asxaabtiisa kooxda iyo shaqaalaha isagoo soo xaadiri waayay duulimaadkoodii ay ku tagayeen Wales

Pogba Waxaa Uu Mar Sii Horeysay Saaxiibadiisa Lawadaagay In Uusan Man-U LaCiyaaridoonin kulamada Saaxiibtinimo.

Pogba Waxaa uu Saaxiibadiisa Kooxda Mar sii horeysay uu u sheegay in uusan Ciyaaridoonin Kulamada Saaxiibtinimo oo ay Kooxdu Ciyaareyso Balse waxaa arinkaa uu isbedeshay Markii uu kooxda u soo saftay Safarkii Australia.

Paul Pogba Ayaa Xilligan Qorsheynaya sidii uu Gabi ahaanba uga Tagilahaa Old Traford.

Balse waxaa isweydiin Mudan Mancheater Kadib Halka uu tagi doono Oo kaliya waxaa Xiiseyneysa Oo Qura kooxda Real Madrid oo uusan weli ka helin Dalab Rasmi ah.