Meydka Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Oo La Keenayo Muqdisho.

0
299

Waxaa lagu wadaa in Sabtida Maanta ah La keeno Magaaladda Muqdisho Meydka Allaha unaxariistee Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisoow Oo Dhaawac ahaan Loo geeyey Magaaladda Dooxa ee Dalka Qatar halkaasna ugu geeriyooday.

Waxaa Dooxa ka soo qaadi doono Safiirka Soomaaliya ufadhiya Dooxa iyo Xubno Katirsan Gudigii Dowladdu ay u xilsaartay Kawarqabka dhaawacyadii Aqalka Dowladda Hoose oo Ku sugan Dalka Qatar.

Waxaa kaloo Qadar ku sugan Xubno katirsan Ehelkiisa Oo Dalka Engiriiska Uga yimid Dhaawaciisa kuwaasi oo kamida dadka Meydka waxka soo qaadi doono.

Magaaladda Muqdisho ayaa Saakay ah Mid ay Ciran yihiin wafooyinka waaweyn ee halboolaha u ah isku socodka Dadka iyo Gaadiidka waxaana lafilayaa Marka la keeno Meydka in Aas-Qaran Loogu Sameeyo Marxuumka oo ay ka qeybgalaan Madaxda Ugu Sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.