C/Raxmaan Baadiyoow: Dadka Reer-Galmudug Hala Yimaadaan Isku Tanaazul, Shirkana Waqtigiisa Ayuu Ku Dhacayaa.

0
249

Guddoomiyaha guddiga shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macalin C/laahi Baadiyow ayaa Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Reer Galmudug Ugu Baaqay In ay La yimaadaan Isku Tanaazul  si loo helo Galmudug Mid ah.

Waxaa uu sheegay in Shirka Magaaladda Dhuuso-Mareeb uu ku dhici doono Waqtigii loogu talagalay ee ah 05-08-2019 loona baahan yahay in aan la siyaasadeynin shirka oo Ah mid Dib-U-Heshiisiin ah.

“Waxaa jira Siyaasiyiin Uu shaki kujiro, Waxaan leenahay Idaacadaha Dadka shaki haka galinina oo idinkuna Shaki ha isku beerina ee Imaada Shirka, Waa Shirkiinii Halka lagu Qabanayana Waa Deegaankiinii” Madeegaankiina ayuu Shaki idinka Galayaa.? Mise Xalka Loo raadinaya ayuu Shaki idinka Galayaa.? Ayuu yiri Baadiyoow.

Waxaa uu sidookale sheegay in Dib-U-Heshiisiinta ay tahay Mid Muhiim u ah Deegaanada Galmudug Loona Baahan yahay in Dadka Reer Galmudug ay la yimaadaan Isku Tanaazul iyo In laga wada Shaqeeyo sidii loo heli lahaa Galmudug Mid ah.