Ragga Xaasaskooda Ku Fura 3-Dalaaqadood Oo Muteysan Doona 3-Sano Oo Xabsi Ah.

0
257

Baarlamaanka dalka Hindiya ayaa meel mariyay sharci cusub oo dambi ka dhigaya furiinka dumarka ee waafaqsan shareecada islaaamka.

Saddexda dalqadood ayaa seeyga siinaysa awood uu ku furo xaaskiisa si dhaqso leh, isaga oo afka ka dhahaha saddex kalmadood, ama xitaa qoraal ahaa ku gudbin kara.

Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa sidoo kale sannadkii 2017-kii dalaaqda ku tilmaamtay mid ku xad gudbaysa dastuurka dalkaas iyadoo Dadka Taageersan Sharcigan ay u arkaan Mid Difaacaya Xuquuda Dumarka.

Balse dadka qaar ayaa xisbiga BJP ku eedeeyay in ay bartilmaameedsanayaan dadka muslimiinka ah.

Furiinka saddexda dalqadood ee islaamka ayaa ku xusan Qur’aanka Kariimka, waxayna ragga awood u siinaysaa in ay kala tagaan xaasaskooda

Waxaana dadka lagu helo in ay ku xad gudbeen sharcigan cusub ay muteysandoona saddex sanno oo xarig ah.

Xisbiga haya talada dalka Hindiya ee BJP ayaa taageeray sharcigan, halka xisbiga mucaaradka ugu weyn Hindiya Congress-ka ay ka hor yimaadeen.

Sharcigan ayaa ayaa waxaa u codeeyay 99 xildhibaan, halka ay diideen 84 xildhibaan markii la hor geeyay Aqalka Sare.

Ra’isulwasaare Narendra Modi ayaa markiiba bogaadiyay sharciga cusub, wuxuuna ku tilmaamay ‘guul usoo hoyatay sinnaanta jinsiga’.

Balse Dumarka Muslimiinta ah Qaarkood ayaa iuaguna ka horyimid Sharcigan Oo Sheegay in uu yahay Gantaal Xoogan Oo Lagu Bartilmaameedaanayo Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalka India hadii ay ahaan lahaayeen Kuwa U dhashay iyo kuwa Siyaabaha kala Duwan usoo gaaray ee aan wadaankaa u dhalan.

Culumada Islaamka ayaa sharaxay in diinta ay si cad u qeexayso furiinka, tahayna in lammaanaha isa siiyaan muddo saddex bilood ah marka laga xisaabayo marka ay dhacdo dalqadda koowaad si waqti loogu helo in ay heshiin karaan.