Dowladda Talyaaniga Oo Xoojineysa Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka.

0
273

Taliyaha Ciidamanka Xooga Dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) ayaa Kulamo laqaatay Mas’uuliyiin Katirsan Saraakiisha Ciidamadda Dalkaasi.

Kulamadan ayaa waxaa ay ka dhaceen Magaaladda Roma ee Dalka Talyaaniga.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa Taliyaha usheegay in Dowladda Talyaaniga ay ka go’antahay Xoojinta Xeriirka Labada Dhinac iyo sidii Loosii kordhin lahaa Tababarada Ciidanka Xooga Dalka.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamida Dowladaha Sida Dhaw Saaxiibka ula ah Soomaaliya waxaana ay ka caawisaa Dhinaca Tababaradda Ciidamadda.