Sawiro: Axmed Madoobe Oo Qaatay Aqonsiga Musharaxa Madaxtinimo Digniina U Diray Musharaxinta.

0
257

Madaxweynaha Waqtigiisu Dhammaaday Ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta Oo Sabti ah Taarikhduna Ku asteysan Tahay 20-7-2019 Qaatay Warqadda Isdiiwaangalinta Musharaxnimadda Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Islaam Madoobe oo isdiiwaan Galintiisa Kadib Saxaafadda Lahadlay waxaa uu sheegay in uu Maray Hanaanka Sharciga, Musharaxinta kalena Laga Doonayo Sidan oo kale.

Waxaa uu Musharaxiinta Kale ugu Digay in ay Aysan ka Habaabin Wadadaa Bulshadana aysan u sheegin Hadalo Naceyb iyo Fowdo abuuraya isaga oo Sheegay in Habayaraatee aan Gorgortan laga Galidoonin Xuquuqaha Dastuuriga ah ee Madaxweynaha Sida Ilaalinta Nabad-Gelyada iyo Xasiloonida.