Dagaalyahano Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilay G/Baay.

0
262

Iyadoo Saacadihii Ugu Dambeeyey ay Howlagalo Balaaran Ka Socdeen Deegaano Dhowr ah oo Katirsan Gobolka Baay ayaa Waxaa Soo baxaya Warar Sheegaya in Halkaa lagu dilay Dagaalyahano dhowr ah oo ka Tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Xoogiisa waxaa uu uu ka dhacay Deegaanka Owdiinle oo Katirsan Gobolka Baay Ee Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadda Milatariga Soomaaliya ayaa weerar Culus ku qaaday Fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Sida ay gargaar.net U Xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.

Dhinaca kale Xubno Katirsan Maamulka Deegaanka Awdiinle waxaa ay Gargaar.net u sheegeen in Howlgaladda oo ay Qaadeen Ciidanka XDS ay ku dileen 5-Kamida Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyada oo Ciidamadu Gacanta ku dhigeen Midkamida Dagaalameyaasha.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan Sheegashadda Maamulka Deegaanka Owdiinle ee Dagaalame-yaasha La Dilay.

Sidookale Majiro Ilo Madaxbanaan Oo Xaqiijinaya Wararkan Soo Ifbaxaya.