Xildhibaan Fiqi:- Gudigan Ma Waxay ka Shaqeyn Donaan Danaha Kheyre Mise Galmudug.

0
271

Xildhibaan Axmed Mocalin Fiqi Oo katirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Deegaanada Galmudug ayaa Waxaa uu aad u dhaliilay Xubnaha Gudiga Dib-U-Heshiisiineed ee Galmudug Loo sameeyey.

Xildhibaan Fiqi waxaa uu su’aal iska Weydiinayaa in Gudigan ay yihiin kuwa Ka shaqeyndoonaa Danaha Dadka Reer Galmudu ama Danaha Ra’isul-Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka leeyahay Galmudug.

Fiqi Oo Qoraal Kooban kusoo Qoray Bogiisa Facebook ayaa Shaki galiyey Magaca Shaqsiyaad kamida Gudigan Oo uu U arko isaga in ay Yihiin kuwa Mushaari ka ahaa Xafiiska Xukuumada iyo Magaca Shaqsi Katirsan Gudigan oo Sidookale shalay Kamuuqday Gudigii uu Magacaabay Maxaxweynaha Ee wadahadaladda Soomaaliya iyo Somaliland.

HALKAN hoose Ka Akhriso Qoraalka Fiqi ee Bartiisa Facebook.

Wasiir Sabriye waa nin is-hafraya, wasaaraddiisuna waxay noqotay mid waraaqaheeda sidii la rabo wax loogu soo qorto, Guddiga Dibuheshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan waxey ka tirsan yihiin xafiiska RW Khayre oo mushaari ka yihiin iyo qiyaastii saddex xubnood oo Sufo ah.

Ma Galmudug danaheeda ayay ka shaqeynayaan mise danaha Khayre ka leeyahay GM? waxaan rajaynayaa in aysan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug,

Waxaa la yaab leh warqad guddi kale lagu magacaabayo oo shalay ka soo baxdey xafiiska MW Farmaajo magac ku jiray ayaa middii xalay saq dhexe soo baxdeyna ku jitay, waxaa ka muuqata kooxda Villa Somalia in dadkii ay ku kalsoonaayeen ay ku sii yaraanayaan illaa hal qof magaciis meel walba lagu arkay.

Qoraalkan ayaa imaanaya iyadda oo Wasaaradda arimaha Gudaha ay Magacaawday Guddi ka ka shaqeeya Dib-U-Heshiisiinta Deegaanada Galmudug.

Gudigaa oo kakooban 12-Xubnood ayaa 11-kamida waxaa ay ka imaanayaan 11-ka Beelood Ee Galmudug halka Xubinta kalena ay la imaan Donto wasaaradda arimaha Gudaha Xukumada Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DAALACO MAHACYADA GUDIGAN.