Nabadon Caan Ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Galkacyo Iyo Howlago Saakay Socda.

0
255

Magaaladda Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan Koofurta Magaaladda Oo ay ka arimiyaan Maamulka Galmudug waxaa xalay lagu dilay Midkamida Nabadoonadda Gobolka Mudug.

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa Xalay Fiidkii Toogtay Nabadoonka oo Lagu Magacaabi Jiray Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan si weynna looga yaqaanay Gobolka Mudug.

Dabley Hubeysan oo aan la garaneyn Heybtooda ayaa Toogtay kadibna isaga baxsaday Goobta iyadda oo xiligaa kadib ay Goobta soo gaareen Ciidamada Amaanka gobolka.

Saakay wararkii ugu dambeeyey ee Magaaladda Waxaa ka soconaya Howlgalo waaweyn kuwaasi oo lagu sugayo Ammaanka laguna baadi goobayo shaqsiyaadkii Dilkaa geystay.

Howlgaladda ayaa ah kuwa sameyn adag ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka iyadda oo Ciidamada isku dhafka ah ee Magaaladdu ay guri guri ubaarayaan Xaafadaha Dhaca Koofurta Galkacyo.

Saraakiisha Howlgalkan Hogaamineysa oo aan la xerirnay waxaa ay gargaar.net usheegeen in Dad badan loosoo qabqabtay Dilka nabadonku balse ay baaritaanada kadib War rasmi ah kasoo saridonan.

Dadka Deegaanka oo aan la xerirnay waxaa ay ino sheegeen in Howlgaladu ay yihiin kuwa Guri guri Ciidamadu ay u baarayaan Dhalin fara badanna Xaafadahooda lagala soo baxay iyadda oo Howlgalkuna uu soo bilawday arortii hore ee Saakay.

Mudooyinkii dambe waxaa magaalada Galkacyo ka dhacaye Dilal Qorsheysan oo gilaafta Nolosha Dadka Waxgalka u ah Bulshada Magaaladda mana jirto ilaa iminka Cid loo soo qabtay.