DEG DEG: Dhawaqa Qarax Labaad Oo Ka Dhacay Magaalada Dhuuso-Mareeb.

0
435

War kale oo hadda Soo dhacay waxaa uu sheegayaa in Goirdhaw Magaaladda Laga Maqlay Qarax Labaad Oo Aad u xoog Badnaa.

Qaraxan ayaa dhacay daqiiqado kadib Markii Magaaladda Dhuuso-Mareeb uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah kaasi oo Sababay Khasaare osugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Qaraxyadan labada ah kadib waxaa dadku ay arkayaan Ciidamo aad ufara badan oo Magaaladda Gaaf-Wareegaya kuwaasi oo ku howlan Sugidda Ammaanka Guud ee Magaaladda.

Qaraxa Kowaad waxaa uu ka dhacay Meel Maqaaxi ah waxaana inta laxaqiijiyey ku geeriyootay Ilaa 5-Ruux oo afar kamida ay ahaayeen Gabadh maqaaxida ushidneed iyo 3-Caruur ah oo ay waalid utahay.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay agagaarka Maqaaxidda Dhaga cade  iyadda oo la sheegay in Uu ahaa mid lagu diyaariyey Wadada Dhinaceeda waxaana uu kujiray Gasac Caano Boore sida wararku aynu ku heyno.

Dadka Magaaladda ayaa Maanta ah kuwa amakaagsan oo la yaaban Qaraxuadan Deriska Lanoqday.