Dhawacyadii Weerarkii Kismaayo Oo La Geynayo Muqdisho iyo Nairobi.

0
274

Qaarkamida Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Al-Shabaab ay shalay ku ku qaadeen Hoteel Madiina Ee Magaaladda Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood Loosoo qaaday Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Dadkan ayaa ah kuwa qaba Dhaawacyadda Culculus iyadda oo qaarkale oo kamidana la sheegay in loo qaaday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya Si halkaa Xaaladooda Caafimaad loogula tacaalo.

Dagaalyahano hubeysan oo katirsan Al-Shabaab oo tiradoodu lagu qiyaasay 4-6 ayaa weeraray Hotelka iyadda oo Tiradda Dhaawaca Ay gaareyso in kabadan 60-ruux Halka dhimashaduna aygaareyso kudhawaad 30-ruux.

Intabadan dadka Dhaawacmay ayaa lageeyey Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Kismaayo halkaasi oo Xaaladoodu Caafimaad lagula tacaalayo.

Wariye Katirsan Gargaar.net oo Booqday Cisbitaalka waxaa uu sheegay in Cisbitaalku uu yahay Mid la Ciirciiraya Dhaawacyadii Hotelka Oo Ay adagtahay in Dadka Dhaawacmay ay helaan Adeegyadii Caafimaad oo ay u baahnaayeen

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday isbitaalka Kismaayo ayaa u kuurgalay Xaaladda Caafimaad ee dadkii Waxyeeladdu ay soo gaartay sida Lagu sheegay war saxaafadeed Jubbaland ay soo saartay.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa war kasoo saartay qarixii iyo weerarkii maanta ka dhacay hoteel ku yaala Kismaayo, sida hoose ayuuna u qornaa war saxaafadeedka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hada booqanaya Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu maanta ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaadheen.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Al-Shabaab ay ka go’antahay sidii shacabka Soomaaliyeed loo tirtiri lahaa taasna ay u marayaan wado walba.
Ciidamada amaanka ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.