Muuse Biixi Oo 1-da May Ugu Hampalyeeyey Shaqaalaha Soomaaliland.

0
310

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hampalyo iyo Bogaadin Udiray Shaqaalaha Soomaaliland Taasi oo Ku aadan Xuska Maalinta Caalamiga ahi ee Shaqaalaha Aduunka oo ku Beegan Arbacada Berito ah.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan  iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe.

waxaanukula dardaarmay madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahayna u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ah ee ay qaranka u hayaan.

Maalinta Berito ah waxaa ay ku beegantahay 1-da Bisha Maay oo Sanadkasta Qeebo badan oo Dunida Kamida laga Xuso Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka.