Al-Shabaab Iyo Ciidamada Dowladda Oo Ku Dagaalamay G/Shabellaha Hoose.

0
312

Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolkaasi ay ka dhaceen iska hor’imaadyo kala duwan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Alshabaab.

Mid kamid ah Dagaaladaasi ayaa ka dhacay Degmadda Qoryooley, waxaana Saraakiil Katirsan Ciidamada ay sheegen in ay ku dhinteen 2 Askari 3 kalena ay ku dhaawac meen.

Dagaalka kale ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer uu udhaw Degmadda Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, lamana sheegin qasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale Diyaarado aan la garaneyn ayaa Duqeeyey Deegan lagu magacaabo Mukayjabis oo u dhaxeeya Buulo-mareer iyo Kuntuwaarey ilaa iyo hadana lama oga qasaaraha ka dhashay.

Wararka kasoo baxaya Goobta  la Duqeeyay oo ay Alshabaab Maamulaan ayaa sheegaya in xaaladu ay iminka dagan tahay balse ay Dadka Deegaanku dareemeen jug culus.