Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Dugsiga Generaal Kaahiye.

0
360

Qarax Xoogan oo Loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa lagu soo Xambaaray ayaa Caawa ka dhacay ilinka Hore ee Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Ee Generaal Kaahiye oo ah Goob Ammaankeeda aad loo Ilaaliyo Xilli ay wadooyinka Muqdisho aad U Xiran Yihiin.

Muqdisho Oo ah Caasimadda Dalka waxaa mudooyinkii Dambe ka socday  Howlgalo Baaxad leh kuwaasi Oo lagu Sugaye Ammaanka, Magaaladdu labo ayey ukala Qeybsaneed oo Shacaka Jidadki ayaa laga xidhay hadane sidaasi oo ay tahay Mabaajin Qaraxyadi oo weli sidii ayey u sii dhacayaan.

Caawa Wararku waxaa ay sheegayaan in Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey in uu ku qarxay Meel aan  sidaa uga Fogeyn Dugsiga  General Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar Jajab.

Wararkii ugu dambeeyey waxaa ay sheegayaan in Dad kor u dhaafaya Todobo Ruux in ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ay qeeb kayihiin Askar Boliis ah sida Gargaar.net ay uxaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliya.

Qofka Geeriyooday ayaa la sheegay in ay aheed Haweeney Caafimaad u aaday Cisbitaal ay Turkiga Leeyihiin iyadda oo Qaraxu uu haleelay Xilli ay Gurigeeda Kusoo Wajahneed.

Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka Dowladda  ayaa Goobta Gaaray Qaraxa kadib iyagga oo Baaritaano kuwada sida ay wax u dhaceen.

Goobta Qaraxu uu ka dhacay waa Albaabka Hore ee Dugsiga Generaal Kaahiye oo ah Goob ammaankeeda aad loo adkeeyo.

Waxaase dadku isweydiinayaan Sida ay ku suuragashay in Qarax uu halkaa ka dhaco iyadda oo laamiyadda ay xiranyihiin Oo shacabku ay ku rafaadsan yihiin Xirnaashiyaha Wadooyinka Muqdisho.?

Waxaase isweydiin Mudan hadii Dowladdu ay sii Xirto wadooyin Horleh oo Muqdisho katirsan oo Shacabka Ciriiriga lagu sii Kordhiyo Qaraxyadu ma Yaraanayaan? Mise sidaan ayay u sii soconayaan?!