Madaxweyne Xaaf Oo Kulamo Wada-Tashi Ah Kawada Galkacyo.

0
268

Galkacyo: Gargaar.net:- Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa kuwaramaya in Halkaa uu kulamo Kawado Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Kulamadan ayaa ah kuwa wada tashi ah kuwaasi oo uu Madaxweynuhu laleeyahay Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Galmudug ee Galkacyo.

Xog uu Warsidaha Gargaar.net ka helay Xubno ku dhaw dhaw Madaxweyne Xaaf ayaa Shegeysa in Kulamadan looga arinsanayo Arimaha Doorashadda Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo aysan isku wanagsaneen Madaxda Federaalka ayaa Cadaadis Xoogan kala kulmaya Dhinaca Doorashadda oo Dowladda Federaalku ay Go’aamisay Bisha Juun ee ina soo aadan iyadda oo Madaxda Galmudugna ay Marsii horeysay Sheegeen in Doorashadu laqaban doono Sedex sano kadib.

Galmudug ayaa iyadda Qudheeda ukala qeybsan labo Garab oo ku kala Sugan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuuso-Mareeb.