Madaxweyne Farmaajo:- “Waxaa Inaga Go’an Inaan Si Waafi Ah U Garowno Tabashoyinka Walaalahena Soomaaliland.

0
394

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in meel wanaagsan uu mayo wadahadaladda Labada dhinac.

“Waxaa inaga Go’an in Wadahadaladu ay noqdaan kuwa Miradhala, waana naga Go’antahay Xalinta Tabashooyinka ay qabaan dadka walalaheena Ee Soomaaliland isfaham iyo isku tanaazul ayaana waxkasta ku dhameyn donna”ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu Arbacadda Maanta ah ka keediyey Furitaanka Kal-fadhiga 5-aad Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana Xusid Mudan in Dhowr jeer oo Hore uu fashil Kusoo dhamaaday Wadahadalo Dhowr ah oo ay yeesheen Madaxda Soomaaliya iyo Madaxda Maamulka Soomaaliland iyadda oo haatanna ay muuqaneyso Hididiilo ku aadan in Xal waara laga Gaaro Tabashooyinka Yar yar oo ay qabaan Soomaaliland.