DEG DEG:- Qaraxyo Is Xig-Xiga Oo Ka Dhacay Muqdisho.

0
315

Qaraxyo Xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen Goordhaweed Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Qaraxyadan oo Labo ahaa ayaa Lasoo sheegayaa in ay ka dhaceen Isgoyska Jubba gaar ahaan Meel aan Sidaa uga Fogeyn Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukumadda Soomaaliya.

Labadan Qarax oo dhacay Daqiiqado isku dhaw ayaa lasheegay in ay ka dhasheen khasaare isugu jirta inkastoo aan laxaqiijin khasaare dhabta ah.

Dad goobjooge yaal ah ayaa Garhaar.net u sheegay in qaraxyadan kadib ay maqlayaan Rasaas Xoogan oo Goobta ka dhceysa Balse aysan Ogeyn in ay ridayaan Ciidamadda Dowladda iyo in Dabley Hubeysan ay Goobta Weerartay iyo Inkale.

Wixii akhbaaraad ah ee ku soo kordhaa wararkaasi kala soco Gargaar.net.