Cali Gacal Casir Muxuu Ka Yiri Doorashada Galmudug.?

0
340

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa marka ugu Horeysay Ka Hadlay Doorashoyinka Maamulkaasi.

Cali Gacal waxaa uu sheegay in Magaaladda Cadaado ay Ka socoto Qabanqaabo Xoogan oo ku aadan Doorashooyinka Dhawaan lafilayo in ay qabsoomaan.

Waxaa uu xusay in Dadka Reer Galmudug ay ubaahan yihiin isbedel iyo in ay Markale dib u hantaan Maamul wanaagii iyo shaqadii Galmudug.

Cali Gacal ayaa gaashaanka u daruuray Hadalka Dhawaan ka soo yeeray Garabka dhuuso Mareeb ee ku aadanaa in Doorashadda la qabanayo sedec sano kadib.

Waa wax adag sida Dhawaantan ay Galmudug uga dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal madaama Madaxda Maamulkaasi ay yihiin kuwa ukala Qeybsamay Labo Garab oo kala Degan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuuso-Mareeb.

Galmudug waxaa ay u bahan tahay in ay hesho dib u heshiisiin dhabba sida ay qabaan dadka Darsa arimaha Galmudug.