Shabelaha Dhexe:- Ciidamadda XDS Oo Faarujiyey Fariisimo Dhowr Ah.

0
319

Wararka aynu ka heleyno Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ay sheegayaan in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ay faarujiyeen Fariisimo dhowr ah oo halkaa ay ku lahaayeen.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xooga dalka ayaa Gargaar.net u xaqiijiyey in Sababta ugu weyn ay tahay Mushaar la’aan ay Ciidamaddu ka cabanayaan.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidamaddu ay haatan kusoo uruurayaan Degmeda Balcad waxaana ay kusoo wajahan yihiin Magaaladda Caasimadda ahi ee Muqdisho.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu dhawaantan shaaciyey in Dowladiisu ay bixisay Dhamaan Mushaaraadka Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya.