Boosaaso: Nin Hubeysan Oo Masjid Ku Dhex Togtay Suldaan Bashir Muse.

0
394

Wararka naga soo gaarayo Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in jimcaha Maanta ah Nin Hubeysan Uu Toogtay Mid kamida Isimadda ugu waaweyn Puntiland.

Allaha unaxariistee Suldaankan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Suldaan Bashiir Muuse waxaana Ladilay isaga Oo kujira Masjidka Mubaarak layiraahdo oo kuyaala Magaalo Xeebeedka Boosaaso.

Qof Goob jooge ah ayaa Wrsidaha Gargaar.net u sheegay in Suldaanka Qof Bastoolad ku Hubeysan uu Toogtay isaga oo ku jira Masjidka.

Suldaankan waxaa la socday 8-kamida ilaaladiisa.

Qofkan nala hadlay oo diiday in Magaciisa iyo Codkiisaba aynu u adeegsano Warbaahinta ayaa Gargaar.net u sheegay in Shaqsigan Dilka Geestay uu isaga baxsaday Goobta.

Boosaaso waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Dilal qorsheysa balse dilkan ayaa waxaa uu kaga Duwan yahay in uu ka dhacay Masaajid.

Laamaha Ammaanka Puntiland oo dilka kadib soo gaaray goobta ayaa halkaa ka sameeyey Baaritaano Balse majiro ilaa hadda Cid loo soo qabtay.

Deegaanadda Puntiland Gaar ahaan Buuraha Galgala waxaa Ku sugan Ciidamo aad u tira Badan oo kala Taabacsan Ururadda Al-Shabaab iyo Daacish kuwaa oo dagaal adag kala soo horjeeda Puntiland.

Majiro ilaa hadda Cid sheegatay Mas’uuliyadda Dilkan sidookalena Majiro wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Puntiland.

Wixii akhbaaraad ah oo arimahaa kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net.