DEG DEG:- Hoobiye-yaal Lagu Garaacay Madaxtooyadda Soomaaliya.

0
345

Wararka aynu ka heleyno Madaxtooyadda looga arimiyo Soomaaliya oo dhan waxaa ay sheegayaan in Hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Hoobiyeyaashan oo laga maqlay qeebo.badan oo kamida Magaaladda Caasimada ahi ee Muqdisho.

Xubno katirsan Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Gargaar.net u sheegay in Hoobiyeyaashan oo Sedex ahaa lagu garaacay Xarunta Madactooyadda.

Midkamida waxaa lasheegay in uu haleelay Qeebta kore ee xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadda oo Midkale uu Haleely Xafiiska Gudiyadda joogtadda ee Baarlamaanka, iyadda oo midka Sedexaadna lagu dhuftay Xafiiska Madactooyadda ay ku leeyihiin Gudiyadda Doorashooyinka Qaranka.

Lama oga Halka laga soo ganay Hoobiyeyaalkan Balse saraakiisha Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Brtilmaameedku uu halkan ahaa marka ay arkeen Qaabka ay wax u dhaceen.

Wixii warar ah ee ku soo kordhaa arimahan kala soco Gargaar.net