Kulamo Looga Hadlayo Go’aanka Kenya Kadib Talaabadda Soomaaliya Oo Ka Socda Villa Somalia

0
348

Iyadda oo ay Cirka isku sii shareertay Khilaafka Diblomaasiyadeed ee U dhexeeya Wadamadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa Haatan Muqdisho ka soconayo Kulamo Balaaran oo arinkaa Looga hadlayo.

Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya waxaa kulamo qaatay mudo labo saacadood ku qaatay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Manta Dib ugu soo laabtay Muqdisho iyo Wasiirka arimaha Dibedda Soomaaliya.

Kulamada marka ay soo gabagaboobeen kadib waxaa Madaxda usoo talaabeen Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xubno Xog ogaala oo katirsan Madaxtooyadda Soomaaliya Ayaa Gargaar.net u sheegay in Haatan Kulan Uu u soconayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiir Maxamed Axmed Nuur Tarsan iyo Wasiirka Arimaha Dibedda Soomaaliya.

Kulamadan oo isdana joog ah waxaa looga arinsanayaa Go’aankii Kenya Kadib Talaabadda Dowladda Federaalka La Gudboon.

Dad Darsa Siyaasadda Soomaaliya ayaa Talaabadan u arka Mid ku haboon in Soomaaliya ay ku jawaabto Jawaab Kulul oo u dhiganta Go’aanka Kenya.

Siyaasiyiinta iyo Qeebaha Bulshadda Soomaaliyeed ayaa muujiyey Caro weyn oo ku aadan Go’aanka Kenya ay ku hakisay Xeriirka Kala dhexeeyey Soomaaliya.

Wixii kusoo kordhaa kulamadda Haatan Socda kala Soco Gargaar.net