Video:- Taliyaha Boliiska Puntiland Oo Boosaaso Kaga Dhawaaqay Howlgal Ka Dhan Ah Al-Shabaab.

0
349

Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntiland Gen:-Muxiyidiin Axmed Muuse Oo Shir Jara’id ku qabtay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Ku dhawaaqay Howlgal Balaaran oo Al-Shabaab Looga sifeynayo Deegaanadda Puntiland.

Taliyaha waxaa uu Digniin adag u diray Shacabka Ku Dhaqan Magaaladda Boosaaso.

Hadalka Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntiland ayaa imaanaya iyadda oo Dhawaan Magaaladda Boosaaso lagu Toogtay Madaxii Hey’adda DP-WORLD ee Dekedda Magaaladda Boosaaso iyadda oo Shaqsigii Toogashadaa Fuliyey oo ay Qabteen Laamaha Ammaanka Isaga oo dhaawac ah lasoo wariyey in uu Cisbitaal ku Geeroyooday.