Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Qarax Lagula Eegtay Shabellaha Hoose.

0
335

Waxaa Warar kala duwan ay kasoo baxayaan Qarax Xoogan oo Kolonyo ay la socdeem Ciidamadda Dowladda Federaalka Lagula eegtay Gobolka Shabellaha Hoose.

Warar Aynu helnay ayaa sheegaya in Kolonyo ay la socdeen Ciidamadda Dowladda Oo Galbinaye Taliyaha Cusub ee Qeybta 12-April.

Qaraxan waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa Deegaanada Dhanaane iyo Jasiira gaar ahaan Wadada dhinaca Xeebta ee Xeriirisa labadaa Deegaan.

Dad goobjooge yaal ah ayaa Gargaar.net u xaqiijiyey in ilaa 4 (Afar) Askari ay ku dhaawacmeen Qaraxan.

Warar aan la xaqiijin ayaa Sheegaya in Taliyaha Cusub uu ku geeriyooday Qaraxaasi.

Weli majiro Cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaasi sidookalena Majiro war kasoo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Faahfaahinada Waxyeeladda Askartaasi kasoo gaartay Qaraxan.

Wixii kusoo kordhaa kala soco gargaar.net.