Ammaanka Garoowe Oo Aad Loo Sugay iyo Wufuud Ku Qulquleysa.

0
370

Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntiland waxaa kusii qulqulaya Wifuud katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Maamul-goboleedyadda iyo Siyaasiyiin Fara badan kuwaasi oo Kaqeybqaadanaya Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntiland.

Sabtida Berito ah ayaa lagu wadaa in Magaaladda Garoowe lagu Caleema saaro Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan lagu doortay Magaaladda.

Ammaanka Guud ee Magaaladda ayaa aad loo sugay iyadda oo lagu arkayo Ciidamo aad u fara fara badan oo Xaqiijinaya Ammaanka Guud ee Magaaladda iyo Wufuuda Ku Sugan.

Wariye-yaal ku sugan Magaaladda Garoowe ayaa Gargaar.net u sheegay in Magaaladda Laga Dareemayo Diyaar garoowgii ugu Dambeeyey ee Caleema Saarka Madaxweyne Dani iyadda oo Magaaladda lagu dhejiyey Boorar iyo Calanka Astaanta u ah Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Kan astaanta u ah Maamulka Puntiland.