Sheakh Shariif: Dowladaha Kenya iyo Somalia Ha iska Kaashadaan La Dagaalanka Al-Shabaab.

0
453

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheakh Shariif Sheakh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay Weerarkii Dhawaan Dagaalyahano Hubeysan oo katirsan Xarakadda Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel kuyaala Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Sheakh Shariif waxaa uu Sheegay in Weerarkaa uu yahay mid Bahalnimo ah loona Baahan yahay in Laga hortago Weerarada Nuucaani ah.

Isaga oo ku Sugan Magaaladda Nairobi ayuu Warbaahinta u Sheegay in ay tahay in Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay iska kaashadaan Ladagaalanka Xarakadda Al-Shabaab.

Waxaa uu Sheegay in ay Muhiim tahay in lawiiqo Awooda Kooxdaasi iyadda oo Xitaa lakaa shanayo Beesha Caalamka.

Ugu Dambeyntii Sheakh Shariif Sheakh Axmed ayaa Carbaabay in inta ay Awood leeyihiin Dagaalyahanadda Al-Shabaab in ay Caqabad kuyihiin Degenaanshiyaha Ammaanka Guud ee Gobolka loona baahan yahay in Meel Qura looga soo wada jeesto.