Jowhar: Xildhibaanada Hirshabelle Oo Ka Horyimid Isku-Shaandheynta Madaxweyne Waare.

0
477

Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Kasoo hor jeestay Isku shaandheen uu Maxaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Ku Sameeyey Golihiisa Wasiiradda.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Golahiisa Wasiiradda ee uu ku dhawaaqay waxaa ka soo muuqday Xubno Badan oo kamida Golaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Balse Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Dhankooda sheegay in arintan ay tahay mid Horseedi karta Kala Qoqob soo kala dhex gala Siyaasiyiinta Hirshabelle.

Waxaana ay sheegeen in Cawaaqibkii ka dhasha uu dusha u ridan doono Madaxeeynaha Maamulkaasi.

Siyaasiyiinta iyo Qeebaha Bulshadda Soomaaliyeed ayaa Iyaguna dhankooda Talaabadan ku ku k qeybsamay.

Qaarkood Waxaa ay u arkaan Mid uu Madaxweynuhu kaga Gaashaamanayo Mooshin kaga yimaada dhinaca Baarlamaanka Maamulkaasi Halka dadka qaarna ay u arkaan in ay tahay Talaabo Lagu Deg degay oo aan Xilligaan Loobaahneen.

HALKAN HOOSE KA DAALACO DIGREETADA MADAXEEYNE WAARE.

 

Wixii Arimahan oo Idil kusoo kordhaa Kala Soco Gargaar.net   “U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed”.