Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Teleefoonka Kula Hadlay Dhigiisa Kenya.

0
378

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Khadka Teleefoonka kula Hadlay Dhigiisa Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Labadda Mas’uul oo Saacado Kooban Khadka kuwada Hadlaye ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Labadda Dowladood.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Bogga Twiterka ee Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kala Hadlay Madaxweynaha Kenya sidii loo Xoojin lahaa Xeriirka Wada Shaqeyneed ee Labadda Dal iyo sidii loo Wiiqi lahaa Oo loo Jebin lahaa loona tirtiri lahaa Shaarka Argagaxisadda sida Hadalka loo dhigay.

Halkan Hoose Ka Daalaco Qoraalka.

Maalin ka hor Kenya waxaa Gilgilay Weerar Dagaalyahano Hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel kuyaala Bartamaha Magaaladda Nairobi.

Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaasi waxaa ay sheegeen in ay ku Dileen Kudhawaad 50-ruux oo Ajaanibi ay kujirto inkastoo Kenya ay sheegtay tiro intaa la yar.

Balse Madaxweynaha Kenya Uhuru krnyatta ayaa Faray Laamaha Amniga in ay Jawaab Deg deg ah ka nixiyaan Weerarkaasi.

Waxaase laga dhur sugayaa sida ay noqoto Jawaabta Ciidamadda Kenya ay ka bixiyaan Weerarkan iyadda oo aan wada ogsoonahay in Al-Shabaab dhowr jeer oo hore ay weeraro dhiig fara badan ku daatay ka fulisay Dalka Kenya.