Beydhabo: Ilaa 3-Ruux Oo Geeriyootay Iyo Mudaharaadka Oo Sii Xoogeysanaya. –Gargaar.net

0
360

Magaaladda Beydhabo Waxaa weli kasii socda Dibad-baxyada Rabshadaha wata oo ay sameeynayaan Boqolaal Dadweyne ah oo ka xun Xariga Sheakh Mukhtaar Rooboow Cali “Abu-Mansuur”

Boqolaal Ruux oo Shacab u badan ayaa shalay ilaa Maanta sii wada Dibad baxyada iyagga oo Dalbanaya in dib Xuriyadiisa uu uhelo Mukhtaar Rooboow iyaga oo kaxun Qaabka loo Xiray Hogaamiyihii Hore Ee Xarakadda Al-Shabaab haatanna ahaa Musharax utaagan Doorashadda Hogaanka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

inta Laxaqiijiye ilaa Sedex ruux ayaa ku geeriyootay Mudaharaadyadaa Rabshadaha Wata.

Waxaa Dadka Geeriyooday Kamida Gudoomiyihii Gudiga Baarlamaanka KGS uqaabilsanaa Amaanka Xildhibaan Cabdi-Shakuur iyo Wiil 10-Sano jir ahaa iyo Ruux kale sida Wararku aynu kuheyno ilaa iminka.

Shekh Mukhtaar Rooboow Cali “Abu-Mansuur”

Dibad-Baxyadda oo marba marka kadambeysa Sii xogeysanaya ayaa weli kasii Soconaya Afarta Xaafadood ee Magaaladda Beydhabo.

Ciidamadda Ethobia ee Qeebta ka ah Howlgalka Midowga Africa Ee AMISOM ayaa Shalay Gacanta Ku dhigay Rooboow Xilli uu ku sugnaa Madaxtooyadda Magaaladda Beydhabo oo uu ugu yeelay Kusimaha Madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka KGS ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur-Galbeed ayaa Shacabka Mudaharaadayo ugu Baaqay in ay isdejiyaan Oo waxa ay diidan yihiin ay ku diidaan Maskax Degen iyadda oo aysan Sameeyn Wax Khalalaase ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xariga Mukhtaar Rooboow Sabab kaga Dhigtay In Weli uusan Ka Tanaazulin Fikirkii Xarakadda Al-Shabaab islamarkaana tan iyo waqtigii uu isisoo dhiibay Shaacin In Fikirkaa Uu yahay Mid khaldan Oo Shacabka Meel Fakaare ah uusan Ka Raaligalin.

Qoraal Kasoo Baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Sheakh Mukhtaar Rooboow uu Buriyey Qodobadii lagu Heshiiyey Xilligii uu isisoo dhiibaye islamarkaana aan la aamini karin.

Waxyaabaha kalo oo Dowladu ku eedeysay waxaa kamida in Hub iyo Ciidan Farabadan in uu latagay Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo uu Doorasho kaga qeybgalaye.