Wasaarada Beeraha Iyo Waraabka XFS Oo Heshiis La Saxiixatay Dowladda Talyaniga Iyo Hey’adda FAO. {Sawiro}

0
360

Waxaa maanta heshiis ku wada saxiixday Magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot , heshiiskaan ayaa khuseeya horumarinta Beeraha iyo waraabka.

Heshiiska ayaa Waxaa qeyb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho,hirgelinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka(Meodern Irrigation Technology) ,Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha.

Dawladda Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay wadamada taageera Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada, waxay sidoo kale door weyn ku lahayd casriyeynta beeraha Soomaaliyeed, iyaddoo si weyn loogu xusuusto kaalinteedii beerida iyo suuq-geynta mooska Soomaaliyeed.

Heshiiskaan ayaa waxaa farsamo ahaan hirgalin doona Hay’adda  FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha.