Weriye-Yaal Iyo Dad Shacab Ah Oo Lagu Xidh-Xidhay Garoowe.

0
349

Wararka Naga soo gaarayo Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntiland Ayaa waxaa ay ku waramayaan in Maanta Xabsiga loo taxaabay Tiro wariyeyaal iyo Dad Shacab ah isugu jira.

ilaa labo saxafi ayaa lasoo sheegayaa in loo dhaadhiciyey Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Garoowe.

Xariga Wariye-Yaashan ayaa yimid kadib markii ay Muuqaalo Ka Duubeen Boqolaal Shacaba Oo Diabad-bax ka dhigaye Barxada weyn ee Magaaladda Garoowe.

Ciidamadda Ammaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay rasaas fara badan fureen si ay ukala irdheeyaan Dubad baxayaasha sida wararka aynu ku heleyno inkastoo wili rasmiyan aan loo xaqiijin hadii ay jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay Rasaastaasi.

Amarka Lagu Xidhay Dadkan ayaa la sheegay in uu kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntiland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyadda oo Amarka lagu sheegay in Xabsiga ladhigo cidii dibad bax lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya ka dhigta Garoowe iyo Guud ahaan Deegaanadda Puntiland.

Ciidamo aad ufara badan ayaa lasoo dhoobay Guud ahaan wadooyinka Magaaladda Garoowe si ay uga hortagaaan Dibad baxayaasha Lagu Taageerayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya loogana soo horjeedo Mooshinka Baarlamaanka ay ka gudbiyeen.

Wixii wararkaa kusoo kordhaana kala soco Gargaar.net