Kulankii 5-Aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo U Baaqday Khilaaf Hareeyey.

0
333

Waxaa Maanta Markale Baaqday Kalfadhigii Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Waxaa uu Noqonayaa Kulankii 5-Aad ee Ubaaqda Khilaafkan Siyaasadeed.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay Khilaaf Hareeyey Gudoonka Golaha Shacabka kagadaal Markii lakala Diray Gudigii Maaliyadda Ee Baarlamaanka.

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Mar sii horeysay Warqad uu soo saaray ku sheegay in uu kala Diray Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka iyadda oo Sharci ahaanshiyaha Arinkaasi ay ka hor yimaadeen Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo Gudiga lakala Diray.

Tan iyo wixii markaa ka dambeeyey waxaa Baaqday Kulano dhowr ah oo uu yeelan lahaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan oo Maanta kahadlay kala diristii Gudiga Maaliyadda ayaa ka horyimid isaga oo Xubnaha Gudiga lakala Dirayna ugu baaqay Gudashada waajibaadkooda Dastuuriga ahi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ah Matalaada Shacabka Soonaaliyeed waxaana Shacabku ay ka sugayaan Howlihii Loo igmaday oo ay u dhaarteen Taasi oo haatan umuuqata Calaacasha oo tin kasoo baxda.

Waxaa ay dadku isweydiinayaan waxa markasta ay u arkaan dadkii iyagu matalaye oo Siyaasado isdiidan, Dano gaar ah iyo Mooshino aan danu ugu jirin Shacabka Ku mashquulsan taasi oo dharbaaxo kulul ku noqoneyso Gudashadda Waajibaadkii loo igmaday.