Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaweyne Xaaf Iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheakh Shaakir.

0
341

Wararka aynu Ka heleyno Magaaladda Dhuuso-Mareeb ayaa sheegaya in uu soo ifbaxay Khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheakh Shaakir.

Khilaafkan ayaa La sheegay in uu yimid Kadib Markii La isku afgaran waaye Cida Noqoneysa Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug iyadda oo Xubnaha Sarsare ee Golaha Ahlu-Sunah la sheegay In Xaaf uu ku diiday Musharax ay iyagu wateen.

Xubno Muhiima oo katirsan Madaxtooyadda Magaaladda Dhuuso-Mareeb ayaa Gargaar.net u sheegay in Khilaafkan uu mudooyinkii dambe soo jiitamaye kaasi oo Salka kuhaya Xilka Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi

Maamul-Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ragaadiyey Khilaaf siyaasadeed kaasi oo ka dhigay in Galmudug ay yeelato Labo Madaxweyne,  Labo Xubnood oo Baarlamaan iyo gole wasiiro.

Wixii kusoo kordhaa Khilaafkan Soo shaac baxay Kala soco Gargaar.net