Sawiro:- Aas-Qaran Oo Muqdisho Loogu Sameeye Saraakiishii Iyo Askartii Ku Geeriyootay Qarax Lagula Eegtay Dhanaane.

0
334

Magaaladda Muqdisho waxaa Maanta Aas-Qaran loogu sameeyey Saraakiishii iyo Askartii Shalay Ku Geeriyootay Qarax lagula Eegtay Agagaarka Deegaanka Dhanaane oo Katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku shahiiday qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Madaxtooyada,  ayaa waxaa kasoo qayb galay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ay cadawga ku baacsanayaan aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan.

Waxaa uu Carbaabay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ogaan doonto Xaasaska iyo Caruurta Saraakiisha iyo Askartii Geeriyootay.

Halkan Hoose Ka Daalaco Sawirada.