Dhuuso-Mareeb Oo Laga Furayo Saldhiga Ugu Weyn Boliiska Galmudug.

0
363

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ‘Xaaf” oo kulan Balaaran Laqaatay Saraakiisha Ciidamadda Galmudug iyo Wasiirka Amniga Galmudug ayaa waxaa aad loogu Falanqeeyey Arimaha Laxeriira Ammaanka Deegaanadda Galmudug iyo Sidii loo xaqiijin lahaa.

Kulanka oo Saacado Badan qaatay ayaa waxyaabaha kale ee la isugu soo qaatay waxaa kamida Howlgaladda Lagu ladagaalamayo Xarakada Al-Shabaab ee la socda Deegaanadda Maamulkaasi iyo sidii Shabaabku looga Saari lahaa Deegaanadda Al-Shabaabku ay Ku sugan yihiin Oo katirsan Goboladda Mudug iyo Galgaduud.

Axmed Ducaale Geelle Ayaa Faray Saraakiisha Ciidamadda in ay ka shaqeeyaan Sugidda Ammaanka iyagga oo kaashanaya Shacabka Galmudug islamarkaana ay ka fogaadaan Waxkasta oo keeni kara Amnidaro.

Xaaf waxaa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka looga baahan yahay in Ay garab siiyaan Ciidamadda Si ay u xaqiijiyaan Ammaanka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo kulan Gaar ah la qaatay Saraakiisha Coidamadda Boliiska Galmudug ayaa ugu Bishaareeyey in Dhawaan Magaaladda Dhuuso-Mareeb Laga Furayo Saldhiga Ugu weyn Boliiska Galmudug.

Kulamadan ayaa imaanaya iyadda oo Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug uu yahay Mid labo Garab ukala Jabay kadib Khilaaf Xoogan oo soo kala dhex galay Hogaanka Maamulkaasi.