Xaalada Tuulooyinka Mandhere iyo Kongo Oo Degen iyo Cabsi Laga Qabo Dagaal Markale Ka Qarxa.

0
362

Waxaa degan Xaaladda Tuulooyinka Maamdheere iyo Koongo oo kamida Tuulooyinka Hoostaga Magaaladda Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha dhexe ayaa lagu soo waramayaa in Saakay ay tahay mid degen.

Labo Maleeshiyo beeleed oo Walaalo ah ayaa Shalay diriri ay ku dhex martay halkaa iyadda oo firirtooduna ay salka ku heysay Dhuldaaqsin ay labada dhinac kala sheeganayaan.

Inta la xaqiijiyey ilaa labo ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooyay dirirtii shalay iyadda oo sidookalena ay ku nafeaayeen Sedex ruux oo shacab ah sida Gargaar.net ay u xaqiijiyeen dadka Deegaanka.

Goobjooge-yaal aynu la hadalnay waxaa ay Gargaar.net u sheegeen in Xaaladda Saakay ay degen tahay walloow Labada dhinac ay weli is horfadhiyaan islamarkaana ay sameynayaan Hub urursi sida Wararka aynu ku heleyno.

Tuulooyinka Maandheere iyo Kongo waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Dirirta Labadan beel mana jirto ilaa haaatan wax xal dhab ah oo ay wada gaareen labada dhinac.