{Akhriso}:- Warmuriyeedka Laga Soo Saaray Shirka G20 Ee Argentin Lagu Soo Gaba-gabeeyey.

0
339

Wax ka bedel Lagu Sameeyo Nidaamka Ganacsiga Aduunka iyo Baahi Badan Oo loo qabo in Dib loo Cusbooneysiiyo Qaabka Shaqadda Ururka Ganacsiga Aduunka ayaa kamida Qodobadda Sida aadka loogu Gorfeeyey Shirkii Argentin.

Shirkan oo arimaha Ganacsiga looga hadlaye waxaa isugu tagay Hogaamiyeyaaaha 20-Dal ee Aduunka ugu tunkaweyn Marka laga hadlayo Dhinaca Dhaqaalaha ee G-20 Layoraahdo.

War Murtiyeed Laga soo saaray Shirkan waxaa lagu sheegay in la isku afgartay in dib loo casriyeeyo nidaamka Ganacsiga Dunida iyo in isbedel lataaban karo lagu sameeyo qaabka uu ushaqeeyo Ururka Ganacsiga Aduunka.

Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wariyayaasah u sheegay in ay jirto baahi loo qabo in la casriyeeyo ururka ganacsiga aduunka.

Waxyaabaha ajandooyiinka laga wadahadlay ugu sareeyay waxaa ka mid ahaa arrinta cansuuraha.

Dhanka kale Mareykanka iyo Shiinaha ayay u muuqataa in ay is afgarad ka gaareen dagaalkii ganacsiga ee u dhaxeeyay.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan ay yeesheen ka dib shirwaynaha wadamada G20 waxay isku raaceen in la jooojiyo muddo 90 maalmood ah canshuraha cusub ee ay horay u soo rogeen.

Saraakiisha Shiinaha ayaa waxay sheegeen in ay Mareykanka isku afgarteen in wax canshuura cusub aan la soo rogin wax ka dambeeya 1 bisha Janaayo.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in heshiis la gaaro si hoos loogu dhigo xiisadda ka dhalatay khilaafka ganacsiga.

Dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa billaabmay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu canshuuro dheeraad ah ku soo rogay badeecooyiinka Shiinaha laga keeno.

Shiinaha ayaa dhankooda ku jawaabay canshuuro dheeraad ah oo ay ku soo rogeen badeecooyiinka Mareykanka ee shiinaha loo dhoofiyo.