Madaxda Ugu Sareysa Dowladda Oo Kulan Deg Deg Ah Ku Leh Madaxtooyadda Soomaaliya.

0
321
Madaxtooyadda Soomaaliya
Madaxtooyadda Soomaaliya

Wararka Aynu ka heleyno madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan Deg deg ah uu haatan ka socdo halkaa.

Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa kulan Deg deg ah ka leh xaaladda Siyaasadeed ee dalka.

Xubno katirsan Maraxtooyadda Soomaaliya oo aan lahadalnay waxaa ay gargaar.net u xaqiijiyeen in Xarunta Madaxtooyadda uu kulan uga soconayo Maxaxda Dalka ugu sareysa Gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’isulwasaare Kheyre, Gud Baarlamaanka Maxamed Mursal, Gud kuxigeenka Golaha Shacabka iyo Xubno kale.

Kulamadaa waxaa looga arinsanayaa Xaaladda Dalka gaar ahaan Doorashadda Magaaladda Beydhabo iyo Arinta ku aadan kala kala dirista Gudiga Maaliyadda Baarlamaanka Sida Gargaar.net ay u xaqiiniyeen Xubno katirsan Madaxtooyadda Soomaaliya oo aan la hadalnay.

Kulamadaa Haatan socda wixii kusoo kordhaa wararkeena dambe ayaad ku akhrisan Doontaan insha’allah.