Farmaajo Oo Khadka Telefonka Kula Hadlay Erdugan Iyo Turkiga Oo Malaayin Ugu Deeqay Soomaliya.

0
391

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdoğan in najiitda aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu u fidisay bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.

dhinaca kale Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya lacag gaareysa 8-milyan oo dollar, taasoo lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda.

War lagu qoray Bogga Facebook ee Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Turkigu uu dowladda Federaalka ku wareejiyay lacag dhan 8-milyan oo dollar, taasoo kab ugu noqoneysa miisaaniyadda.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya Danjire Olgan Bekir iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo ku kulmay Xarunta Safaaradda Turkiga ayaa saxiixay lacagta Miisaaniyadda ee lagu wareejiyay dowladda Federaalka.

Lacagtan loogu deeqay ayaa ah miisaaniyada shan bilood ah oo dowladda Federaalka lagu wareejiyay, waxaana lagu shubay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo maamulka iyo maareynta Maaliyadda dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa looga mahad celiyay dowladda Turkiga oo ka dhabeysay balanqaadkeedii ahaa inay kabto miisaaniyadda dowladda Federaalka

“Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si shacabka ugu sheegto dowladda Federaalka xaqiiqda dhabta ah ee maaliyadda ay ku dhawaaqayaan in lacagta Turkiga ugu deeay ay soo gaartay, loogula xisaabtamo.

“Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Turkiga ayaa ahaa taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya ka saacido, arrimo badan, waxaana uu horay u kabi jiray miisaaniyadda dowladda Federaalka, iyadoo bil walba bixin jiray 2-milyan oo dollar, inkastoo aysan dowladdii hore si waadix ah uga hadli jirin.