Trump oo Erdogan ugu hambalyeeyay guusha aftida

0
298

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu hanbalyeeyay guushii uu ka gaaray aftidii Axaddii, taasi oo siinaysa awoodo

Madaxwayne Trump oo qadka taleefoonka kula hadlay Erdogan ayaa wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay taageeradii ay turkiga taageereen weerarkii gantaalada ee ay Mareykanka ku qaadeen saldhigyo ay dawlada Suuriya leedahay .

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad Isniintii, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu kala hadlay dhigiisa Turkiga tilaabadii ay Maraykanka uga jawaabeen hubkii kimikada ahaa ee la sheegay in ay isticmaashay xukuuumada Suuriya 4 Abriil.

Bayaanka ayaa lagu yiri ” labada hogaamiye waxa ay isku raaceen muhimada ay leedahay in lala xisaabtamo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Aftida dalka Turkiga ayaa, 51.4% cod bixiyayaasha waxa ay taageereen isbadalka lagu samaynayo dastuurka dalkaasi .

Erdogan ayaa beeniyay canbarayn uga timid kormeerayaasha caalamiga ah oo sheegay in uu ol’olaha aftida ku galay dhaqaalaha dowlada islamarkana qolyaha ka soo horjeeday isbadalka aysan helin fursad midaasi la mid ah .

Kormeereyaasha aftidana wuxuu ugu jawaabay “Shaqdiina waa in aad gara