Ra,iisul Wasaaraha oo Maanta Kormeeray Qaar ka mid Ah Wasaaradaha Daawo [Sawiro]

0
364

Ra,iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan  Cali Kheyre  ayaa manta kormeeray Harumaha Wasaaradaha ,asigoo kormeeray Hanaanka Shaqo ee hay’addahaasi .

Ra,iisul  Wasaaraha  ayaa Xarun Xarun u kalay  Xafiisyada Wasaarada Kaluumeesika ,Wasaarada Warfaafin,Wasaarada isgaarsiinta iyo Haweenka iyo Xaquuul insaanka ,Waxa uuna mid mid u Wareestay Agaasima Waaxeedyadda ,Waxa uuna ka wareestay Horumarka iyo Caqabadaha Howlaha Shaqo .

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

W/Q;Cabdi qani Cumar Xasan